The Federal Republic of Somalia

Ra‘iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Wasiirradiisa oo Maanta oo kormeeray Dekedda iyo Bangiga Dhexe (SAWIRRO)

 Arbaco, Oktoobar 30, 2013 (Opm) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta kormeeray koboc iyo horumarada dhaqaale ee Bankiga dhexe iyo Dekedda Muqdisho, waxaana kormeerkiisan ku wehliyay wasiirrada maaliyadda, howlaha guud, arrimaha gudaha iyo warfaafinta.

Mudane Saacid ayaa ugu horreyn kormeerkiisa ku tagay Bankiga dhexe ee Soomaaliya halkaasoo uu kula kulmay madaxda Bankiga, isagoo dhegeystay warbixin maaliyadeedka dowladda iyo horumarka ay hiigsanayaan.

 Ra’iisul wasaaraha ayaa markii uu kormeerkiisa soo gabagabeeyey wuxuu la hadlay warbaahinta isagoo u sheegay in ujeeddada kormeerkan uu ahaa sidii uu u ogaan lahaa isbedelka dhaqaale iyo horumar lagu tallaabsaday, isagoo xusay inay jirto isbedel iyo koboc dhaqaale oo aad u ballaaran. .

“Waxaan si fiican ugu kuur-galay isbedelka dhaqaale iyo horumar ee ka jira Bankiga dhexe iyo Dekadda, waxayna ii sheegeen mas’uuliyiinta dekedda in kororka dhaqaale ee dekedda sannadkii hore iyo sanadkan uu yahay 72%,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Somalia, isaga oo sidoo kalena xusay in dakhliga qaybo badan oo ka mid ah dekadda lagu sameeyay horumarin.

Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri: “Maadaama dekedda Muqdisho ay tahay isha ugu ballaaran ee dhaqaalaha kasoo galo dowladda, waxaan doonaynaa inaan iskaashi la sameyno shirkad Turki ah si ay u ballaariso, u casriyeyso isla markaana maal-gelin xoogan ugu sameyso,” ayuu ra’iisul wasaaruhu u sheegay maareeyaha dekedda iyo ku-xigeennadiisa.

Dhanka kale, ra’iisul wasaare Saacid ayaa xusay in ahmiyadda koowaad ee dowladda ay tahay sugidda amniga, balse ay muhiimad gaar ah siinayaan kobcinta dakhliga dowladda iyo maal-gashiga.









DubadMulti Media Specialist

Office Of The PrimeMinister
Tel 061 5446016