The Federal Republic of Somalia

Shirka looga hadlaayo Barnaamijka Higsashada Cusub ee New Deal ayaa maaanta ka furmay Magaalada Galkacyo ee maamul Gobaleedka Galmudug

 Shir looga hadlaayo Barnaamijka Higsashada Cusub oo loo yaqaano New Deal ayaa manta Ka furmay magaalada Galkacyo

Barnaamijkan oo ah Pre-Consultation wuxuu socon donaa labo maalmood 19/8/2013—20/8/2013

waxaana ka soo qeybagaley furitaanka shirka Wasiirkuxigeenka wasaarada Maaliyada iyo Qorsheynta Mudane Abukar Sheikh Abdi Ibrahim iyo Madaxweynaha maamul Gobaleedka Galmudug Abdi Hassan Awaale (Qeybdiid) iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo wasiir Qorsheynta iyo Warfaafinta

Waxaa shirka Ka soo qeybgaley dhamaan dadka metalla ururada bulshada dumarka Odayaasha dhalinyarada iyo Jamaacadaha waxeyna ka doodeen doorka kaga aadan wadashaqeynta

Dowlda federalka somaliyee oo beryahan wadey la tashiyo dadka si loo wada qeybsado fekirka ay dowlada ku tageyso shirka la qaban doono bisha danbe.









Dubad Multi Media Specialist

Office Of The Prime Minister
Tel 061 5446016