The Federal Republic of Somalia

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweyana Jibouti oo kulan Gaar ah ku Yeeshay aqalka Madaxtooyadda Djibouti

 Djbouti, September 7, 2013—–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirddoon “Saacid” oo maanta Aqalka Madaxtooyadda ee Dalka jibouti kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Dalka jibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay xiriirka walaaltinimo labada dalka iyo dadaalka uu Madaxweynaha jibouti ugu jiro daganaanshaha Soomaaliya

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha jibouti waxaa kulankoodan ay uga wada hadleen iskaashiga labada dal ee arimaha Amaanka, Siyaasadda, Ganacsiga iyo Dib-u-dhiska. iyadoo dhanka kalana Ra’isul wasaaraha Soomaaliya uu ka warbixiyay xaaladda dalka Soomaaliya iyo horumaradda ay Dawladdiisu ku talaabsatay mudadii ay jirtay.

 Raisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu dalka Djibouti ee aan walaalaha nahay uga mahadceliyay dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay ugu jirto sidii Soomaaliya ay uga soo kaban lahyd bur-burkii ku dhacay 22kii sano ee lasoo dhaafay iyo xaqiijinta rajjada muuqata ee Soomaaliya

“Dawladda Djibouti ee aan Walaalaha nahay waxaan uga mahad-celinayaa doorkeeda Soomaaliya iyo sida ciidanka Djibouti ee Amisom ay horumarradda la taaban karo uga sameeyeen Gobolka Hiiraan, sidoo waxaan ku faraxsanahay in si gaar ah aan isaga kaashanno arimaha Aamaanka, Siyaasadda Ganacsiga iyo Dib u dhiska oo aan halkan u joogno” Ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid

Madaxweynaha dalka jibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa ku amaanay Dawladda dadaalka ay ugu jirto bad-baadinta umadda Soomaaliyeed, waxaa kaloo uu madaxweynuhu sheegay in dalkiisu uu sii xoojin doono xiriirka ka dhexeeya iyo gacanta kaga aadan xasiloonidda dalka.

Dhinaca kale Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa oo ay kamid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiiru dawlaha Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga iyo Wasiir ku-xigeenka Khayraadka ayaa kulan ay la yeesheen Ra’isul Wasaaraha dalka jibouti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo Wasiirka gaashaandhiga dalka jibouti Mudane Xasan Dharaar Hufane waxaa ay uga wada hadleen arimaha amniga iyo qorshaha Dawladda ee xasilinta dalka










Dubad Multi Media Specialist

Office Of The Prime Minister
Tel 061 5446016