The Federal Republic of Somalia

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta booqasho rasmi ah ku Gaaray dalka Jibouti

 Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon”Saacid” iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ku gaaray magaaladda Djibouti ee caasimadda dalka jibouti isagoo kasoo duulay magaaladda Jeddah ee Boqortooyadda dalka Sucuudiga

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa garoonka dayuuradaha ee Djibouti kusoo dhoweeyay Wasiirka Cadaaladda isla markaasna ah kusimaha Ra’isul Wasaaraha dalka jibouti Mudane Cali Faarax Casoowe “Cali Cadnaan”, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka jibouti Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen “ Guulwade” iyo Mas’uuliyiin kale oo Dawladda Djibouti ka tirsan

 Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyo Wasiirka Gaashaandhiga , Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga iyo Wasiir ku-xigeenka Khayraadka waxana dalka jibouti ay maanta galinka danbe kulamo kula qaadan doonaan madaxda dalka jibouti qaar kamid ah, waxana ay ka wada hadli doonaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada Dib-u-dhiska, Amaanka, Siyaasadda iyo Ganacsiga.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan mar kale booqasho rasmi ah ku soo gaarno dalka aan walaalaha nahay ee jibouti oo arrimo badan aan iska kaashan doonno sida Dib-u-dhiska, Amaanka, Siyaasadda iyo Ganacsiga” ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”

Dhanka kale Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Xukuumaddiisa ayaa booqashadan rasmiga ah ee dalka jabouti kadib waxaa sidoo kale ay booqasho rasmi ah ku tagi doonaan dalka Yemen.

Ra’isul Wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa ku soo sagootiyay Garoonka Caalamiga ah ee magaaladda Jeddah ee Boqortooyadda Sucuudiga Wasiirka Xajka iyo Awqaafta ee Sucuudiga Mudane Bandar Xijar,iyadoo Ra’iusl Wasaaruhuna uga mahadnaqay Boqortooyadda Sucuudiga kulamadii uu la yeeshay madaxda dalkaasi iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay gacan ka gaystaan dib u dhiska dalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa Ra’isul Wasaaruhu uu uga mahadceliyay hanaankii qiimaha badnaa ee Boqorooyaddu ay ugu soo dhoweysay magaaladda barakaysan ee Makka oo isaga iyo wafdigiisu ay ku guteen Cumrada

Intii uu Ra’isul Wasaarahu ku sugnaa Dalka Sucuudiga waxaa Xukuumaddu ay heshiisyo la saxiixatay Bankiga Islaamka, waxaana heshiisyadani ay isugu jiraan mashaariic deg deg ah iyo qorshayaal socon doonaa 7-da sano ee soo socota , kuwaasi oo lagu hormarinayo Adeegyadda Bulshada, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Tayeynta Hay’adaha Dawladda iyo soo nooleynta mashaariicdii Bankigu ka fulin jiray Somaaliya.








Dubad Multi Media Specialist

Office Of The Prime Minister
Tel 061 5446016