The Federal Republic of Somalia

28/8/2013 Shirka looga hadlaayo Barnaamijka Higsashada Cusub ee New Deal ayaa lagu Qabtey Magaalada Baydhabo

 Shir looga hadlaayo Barnaamijka Higsashada Cusub oo loo yaqaano New Deal ayaa lagu qabtey magaalada Baydhabo, Barnaamijkan oo ah Pre-Consultation wuxuu socdey mudo labo maalmood ah28/8/2013—29/8/2013 waxaana ka soo qeybagaley furitaanka shirka Wasiirkuxigeenka wasaarada Maaliyada iyo Qorsheynta Mudane Abukar Sheikh Abdi Ibrahim iyo Gudoomiyaha Gobalka Bay iyo Gudomiya xigeenka Gobalka Bay Iyo Xidhibaano ka tirsan

Barlamaanka Somaaliyeed iyo xubno ka socdey xafiiska Reysulwasaaraha Dowlada Federalka Somaliyeed Waxaa sidoo kale shirka ka soo qeyb galay dhamaan ururada bulshada rayidka ah sida dumarka, odayaasha, dhalinyarada, iyo ardayda Jamaacadaha, waxeyna ka doodeen doorka kaga aadan shirka

Brussels ee dhici doona bartamaha bisha sebteembar si ay ugu biiriyaan talooyin ayna dhagaystaan dowladda federaalka Soomaaliya oo beryahaan waday la tashiyo ku aadan shirkaas si looga wada qeyb-qaato fekirka ay dowlada ku tageyso.

Wasiirka Kuxigeenka Maaliyadda iyo Qorsheynta DFS ayaa ka warbixiey argtida fog ee ay dowladdu ka leedahay qorsha Higsiga Cusub (New Deal) ee ku wajahan mustaqbalka Soomaaliya“Shirkaas ayaa lagu soo bandhigi doonaa qorshaha dowalddu diyaarisay ee New Deal-ka oo ka turjumaya baahiyaha kala duwan ee ka jira dalka Soomaaliya, waana qorshe soconaya mudo sadex sano ah, nidaamkaan waa hab dhaqan cusb oo ka dhaqan galay wadamo ka soo kabanaya colaado sida Soomaaliya.

Waxaana laga hirgaliyey markii ugu horaysay todoba wadan, iyadoo iminka ay ka fa’idaysanayaan sagaal iyo toban wadan oo Soomaaliya ku jirto” Ayuuyiri Wasiirku.

Xidhibaanada (Mp) Marwo Maryan Moalim Isaq ayaa sheegaytey inaysan suurta gal ahayn in la hirgaliyo Higsiga Cusub ( New Deal) hadii Maamulada Gobalada aysan ka qeyb qaadan kaalintooda kaga aadan dib-u-dhiska iyo nabad ku soo dabaalida dalka.

“Waxaa fure u ah hirgalinta Higsiga Cusub (New Deal) xoojinta amniga iyo walaaleynta shacabka Soomaaliyeed waana arrin u baahan in had iyo jeer lagu baraarugsanaado, waxayna masuuuliyadeedu saarantahay ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa taas xiga in la helo dhaqaale lagu sugo amaanka laguna taageero maamulada gobolada, xoojinta amniga iyo dib-u-heshiisiinta ummada wada dagta gobollada” ayay tiri Xildhibaanada Caalamka ayaa looga fadhiyaa in ay dowladda iyo shacabkeeda ku taageeraan baahiyahooda sida ay u kala mudan yihiin, waxaana hubaal ah in maanta Soomaaliya leedahay dowlad rasmi waana taas sababta loo sameeyey qorshaha “New Deal”.

Waxaa kale oo ka Hadley Gudoomiye Xigeenka Abdulqadir shekh cali oo ku amaaney sida Dowlada ay mar waliba ay ula tashaneyso dadkeeda waxeyn dadka reer Bay usoo jeediyeen talooyin muhiim ah oo ku socdo Dowlada taas uu balan qaadey wasiirku xigeenka wasaarada Maaliyada iyo Qorsheynta in uu gaarsiin donaa baahida ka jirto madaxda sare ee dowlada federaka soomaaliyeed











Dubad Multi Media Specialist

Office Of The Prime Minister
Tel 061 5446016