The Federal Republic of Somalia

Wasiirku xigeenka wasaarada maaliyada iyo qorsheynta ayaa soo booqdey isbitaalka galkacyo oo u xirmay ka bixtaankii

 Wasiirku xigeenka wasaarada maaliyada iyo qorsheynta Mudane Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim oo maalmahan wafdi uu hogaaminaayo ayaa boqosho ku jogeen

Maamul Gobaleedka Galmudug wafidigaas oo ka koobnaay Xildhibaano Aqoon yahano ka socdey wasaarada maaliyada iyo qorsheynta Xafiiska Reysulwasaaraha Iyo ururada bulshada ayaa manta soo booqdey Xarunta Madaxtooyada Maamul Gobaleedka Galmudug

 waxaan ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Galmudug Mudane Cabdi Xassan Cawaale iyo Madaxweynkuxigeenka iyo gudoomiyaha baarlamaanka iyo wasiirada

Galmudug ayag oo ku qaabilyey si niyadsamo iyo ay ku dheehantahay dowladnimo Somaaliyaad taas oo Dowlada uu hogaamiyo Reysulwasaaraha Somaaliya

Mudane Abdi Farah Shirdoon ay ka shaqeyneyso in Dowladnimada la gaarsiiyo meelwalba oo ka mid Somaliya ka dib ayaa Wasiirka wuxuu booqasho ku tegay Isbtaalka Magaalada Galkacyo

kaas oo dhawaan u xirmey marka ay ka baxdey heyadii gacanta ku heysay (MEDECINS SANS FRONTIERES)

wasiirkaa yaa u ku guurgalay xaalada uu ku sugunyahay Isbitaalka si uu u ogaado dhibaatada ka dhalatey markii la xirey isbitaalka oo ka kooban Qeybo badan oo lagu daaweyn jirey sida Caruurta Dhalmada Dhimirka TBD iyo cudurakale oo badan waxaa wasiirka ka dhageystey xaalka isbitaalka

Madaxweynaha iyo agaasimaha isbitaalka waxeyna u shegeen in ku dhawaad dad gaaraya maalintii ilaa 2000 oo qof aysoo booqan jiretey isbitaalka waxeyna ka codsadeen in arinkaas ay dowlada waxkala qabato wasiirka wuxuu balanqaadey in uu gaarsiin doono

Dowlada wixii uu kulu kulmey Isbitaalka Galkacyo wuxuuna aad iyo ugu mahadnaqey sida wacan ee lagu soo dhaweyay isaga iyo wafdigiisa.










Dubad Multi Media Specialist

Office Of The Prime Minister
Tel 061 5446016