Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐ฆ๐ฎ๐๐๐จ ๐œ๐ฎ๐ฌ๐›๐จ๐จ๐ง๐š๐ฒ๐ฌ๐ข๐ข๐ง ๐ฎ ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐ก๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐๐š๐š๐Ÿ๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š

Muqdisho, Khamiis, 23 Janaayo 2025: โ€” Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa u cusboonaysiiyey muddada xil-hayntooda Guddiga maamulka heyโ€™adda Naafada Qaranka, si ay usii wadaan howlaha ay u idmanyihiin 4 sano ee soo socota.

 

Shirka oo uu guddoominayey Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Siyaasadda dhijitaalka ah ee loo dhanyahay iyo istaraatiijiyadda nidaamka dowladda ee danabaysan, iyadoo golaha lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga dalka, kormeerka Raโ€™iisul Wasaare ku xigeenka ee wasaaraddaha iyo heyโ€™addaha dalka iyo dhaqaalaha dalka.

โ€” Dhammaad โ€”

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so