๐๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐๐ซ๐๐ง ๐๐ t๐๐๐ ๐๐๐ซ๐๐๐ l๐-๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐ฅ๐๐ง๐ค๐ k๐ก๐๐ฐ๐๐๐ซ๐ข๐ฃ๐ญ๐ ๐จ๐จ ๐๐จ๐จ๐ช๐๐๐ฒ ๐๐ฌ๐๐ข๐ญ๐๐๐ฅ๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ๐๐๐๐
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, anha Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Taageerada La-dagaallanka Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish., ayaa booqday qaar kamid ah Isbitaallada caasimadda oo lagu daryeellayo dhaawacyadii geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaannada ee waxyeelladu kasoo gaartay jiidaha hore ee dagaalka.
Raโiisul Wasaare ku Xigeenka, oo mid mid u dul-istaagay dhaawacyada ayaa ka waraystay xaalladooda caafimaad, wuxuunna sheegay in dowladdoodu la garab taagantahay daryeel walba oo ay u baahan yihiin, lana socon doonto xaaladdaha ay ku sugan-yihiin.
Booqashada Raโiisul Wasaare ku Xigeenka iyo xubnaha guddiga, oo warbixinno kala duwan ka dhagaystay howl-wadeennada gacanta ku haya dhaawacyada ayaa kula dardaarmay in ay ugu adeeggaan si hufan geesiyaasha u dhaawacmay halganka dalka looga sifeynayo kooxaha arxanka daran ee Khawaarijta ah.
Mudane Cabdisalaam, oo kormeerka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in guddigan uu yahay mid Qaran oo ka howlgallaya dhammaan gobollada dalka, iyaga oo si buuxda u garab istaagaya ciidamada qalabka sida, kuwa maamul gobolleedyada, dadka deegaannada, wuxuunna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay si buuxda uga qeyb qaataan difaaca dalka iyo diinta.
โ Dhammaad โ