๐๐’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐๐ซ๐ข๐ ๐ ๐ ๐ค๐ ๐ฃ๐๐ซ๐๐ฒ ๐ฑ๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐ ๐ฎ๐ซ๐ฆ๐๐๐ค๐ ๐๐๐ -๐๐๐ ๐ ๐ ๐๐ก ๐๐ ๐๐ฌ๐๐ข๐ญ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ ๐๐๐ซ๐ญ๐ข๐ง๐จ
Muqdisho, Arbaco, 22 Janaayo 2025: โ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray xarunta gurmadka deg-degga ah ee Isbitaalka De Martino, oo loo dhisay, loona qalabeeyey qaab casri ah.
Raโiisul Wasaare Xamsa, oo xarig jarka kaddib kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee dhismaha, ayaa tilmaamay in xaruntan ay qeyb muhiim ah ka tahay horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Qatar dhismaha xaruntan oo daboolli doonta baahi weyn oo ay bulshada Soomaaliyeed u qabeen Isbitaal noocan oo kale ah.
Xarunta gurmadka deg-degga ah iyo maareynta dhaawacyada oo loo dhisay hab-casri ah, ayaa loogu tala-galay howlaha gurmadka caafimaadka iyo daryeelka bukaanka, waxaanna u dhammaystiran dhammaan agabka caafimaadka iyo qaliinnada ee loogu shaqayn lahaa bulshada Soomaaliyeed.
โ Dhammaad โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so