๐๐’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐ซ๐ฆ๐๐๐ซ๐๐ฒ ๐ฑ๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐จ๐จ๐ซ๐๐ฌ๐ก๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐จ๐ก๐๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐
Muqdisho, Arbaco, 22 Janaayo 2025: โ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kormeer shaqo ku tagey xarunta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka go’an tahay fududeynta wax walba oo ay u baahan yihiin, si dalka looga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan hannaanka dimuqraadiyadda iyo shuruucda dalka.
“Doorashadu waa xaquuq asaasi ah oo muwaadinku leeyahay, sidaas darteed, waxaad u madax-bannaan tihiin hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo dalkeenna ka qabsoontaโ. Ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa oo la hadlayey xubnaha guddiga.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay guddiga gacan ku siineyso fududeynta dhinacyada amniga, wacyigelinta iyo wixii tasiilaad ah oo ay u baahan yihiin.
โ Dhammaad โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so