๐๐’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐ฒ ๐ข๐ง ๐ฅ๐ ๐ ๐๐๐ซ๐๐ฒ ๐ฐ๐๐ช๐ญ๐ข๐ ๐ข๐ข ๐๐๐ฅ๐ค๐๐๐ง๐ง๐ ๐ฅ๐-๐ฆ๐๐๐ฅ๐ ๐๐ฌ๐ก๐๐ง ๐ฅ๐๐ก๐๐
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in hirgelinta Hoteelka iyo Moolka casriga ah ee uu maanta dhagax-dhigay uu tusaale u yahay soo kabashada dalka, isla markaana la gaaray waqtigii dalkeenna la maalgashan lahaa.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in mashruucan uu ahmiyad weyn u leeyahay bulshada, gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed ee ku fooggan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Waxa uuna xusay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (NTP) ay kamid yihiin hirgalinta maalgashiga, fududeynta howlaha ganacsiga, iyada oo dowladdu sameysay Shuruucdii loo mari lahaa horumarinta dhinacyda faa’iiddada u leh dalka iyo dadka.
โWaxaa farxad ii ah in aaan maanta joogno dhagax-dhigga mashruuc weyn oo muhiimad gaar ah u leh bulshada, gaar ahaan horumarinta dhaqaale, shaqo abuurka iyo bilic soo celinta caasimadda, lana jaanqaadaya suuqyada adduunka, tan oo ah tallaabo wax-ku ool ah in shirkadaha caalamiga ah ay maalgashi ku sameeyaan dalkeennaโ. Ayuu yiri Raโiisul Wasaaraha.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey doorka ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin koboca dhaqaalaha iyo maalgashiyada kala duwan ee dalkeenna u horseedaya horumarka, isaga oo dhiirigeliyey in laga faaโiideysto fursadaha maalgashi ee dalkeena ka jira, kuwaas oo horseedyada in dalku uu gaaro isku filnaansho dhan walba ah.
โ-Dhammaadโ-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so