๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐๐จ๐ ๐๐๐๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ก ๐ค๐ฎ ๐ฅ๐๐๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐
Muqdisho, Talaado 3 Diseembar, 2024: โRaโiisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Naafada Adduunka oo sanad walba Maanta oo kale laga xuso dunida oo dhan.
Raโiisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran intii ay jirtay la ansixiyey sharciga Naafada, ayna ka goโantahay ilaalinta Xuquuqda dadka Naafada ah ee Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in dowladu ahmiyad weyn siineyso bulshada Naafada ah, iyo horumarinta kaabayaasha dadweynaha ee loo dhanyahay.
โWaxaan bogaadinaya kaalinta dadka naafada ah ay ku leeyihiin horumarinta bulshada qeybaheeda kala duwan, waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo in Xukuumadda ay ka goโantahay xal u helida colaadaha, ciribtirka Khawaarijta, iyo in dalkeenna oo dhan laga sameeyo tallaabooyin dhanka horumarka ah, ayuu yiri Raโiisul Wasaaruhu.
Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in sanadaha soo socda dadka Naafada ah ay heli doonaan marinno sida ugu sahlan loo dhisay, ayna ka qeybgali doonaan siyaasadda dalka, doorashooyinka madaxa banaan, waxa kale uu sheegay in qorshaha isbeddelka Qaranka ee hadda socda uu saldhig u yahay sidii loo heli lahaa adeeg loo dhan yahay.