๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐๐ก๐๐ ๐๐ฑ ๐๐ก๐ข๐ ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐๐ก ๐๐๐ซ๐จ๐จ๐ง๐ค๐ ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ซ๐๐๐๐ก๐ ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐๐ฌ๐๐๐๐ง๐จ๐จ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฌ๐ก๐๐๐ซ๐ข๐ข๐ ๐ค๐๐ฅ๐
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Aw-Cali (Firdiye), ayaa dhagax dhigay Mashaariic horumarineed oo laga hirgalinayo gobolka Sool.
Mashaariicda uu Raโiisul Wasaaraha dhagax dhigay, waxaa ka mid ah dhismaha Garoonka diyaaradaha Magaalada Laascaanood ,iyo mashruuc koronto lagu galinayo 45 xarumood oo isugu jira xarumo Waxbarasho iyo Caafimaad,ย kuwaas oo bulshada deegaanku ay baahi weyn u qabeen.
Raโiisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka goโan tahay in deegaannada Maamulka SSC-Khaatumo ay ka hirgaliso mashaariic waaweyn oo lagu hormarinayo adeegyada bulshada.
Shalay ayuu sidaan oo kale Raโiisul Wasaare Xamsa waxaa uu Magaalada Laaacaanood ka dhagax dhigay ilaa siddeed mashruuc oo hirgalintoodu ay ahmiyad weyn u leedahay bulshada deegaanka, halka uu daah-furay xarunta qaadashada Kaarka Muwaadinka ee (Natinal ID).
โDHAMMAADโ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
https://opm.gov.so/
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/