Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š, โ€๐ฆ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š ๐€๐๐ก๐ข-๐‚๐š๐๐๐ž๐ž๐ฒ๐ž ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ก๐ž๐ฅ๐ข ๐๐จ๐จ๐ง๐ญ๐š ๐ฑ๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐๐ž๐ž๐๐š ๐๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ ๐š ๐š๐กโ€

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyaddaย  Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Hadhimo-Sharafeed lagu Maamuusayey kaga qeyb-galay duleedka magaalada Ari-Caddeeya, oo 30, KM dhanka waqooyi ah kaga beegan magaalada Laascaanood.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa, oo la hadlay shacabka magaalada, ayaa sheegay in ay farxad gelinayso booqashada taariikhiha ah ee uuย  ku soo gaaray dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaankan, waxa uuna ballan-qaaday in ay dhawaan heli doonaan xuquuqdooda dastuuriga ah oo ay kamid tahay doorashooyinka dadweyne ee la qorsheeyay in ay ka qabsoomaan dalkeenna.

Raโ€™iisul Wasaaraha, oo ay weheliyaan Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw Cali, ( Firdhiye) iyo madaxda ka tirsan Heyโ€™addaha Heer Federaal, ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta iyo martisoorka loogu sameeyay Beerta Suldaan Mustafe Maxamuud Aw Seed, ee duleedka Adhi-Caddeeye.

โ€”DHAMMAADโ€”

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

https://opm.gov.so/

https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/