๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฅ๐๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta soo gebagabeeyey safarkii taariikhiga ahaa ee afartii maalmood ee la soo dhaafay uu ku joogay magaalada laascaanood ee xarunta SSC-Khaatumo isagoo dib ugu soo laabtay Caasimadda Muqdisho waxaana si weyn usoo dhaweeyey Masโuuliyiin iyo qeybaha Bulshada.
Raโiisul Wasaare Xamsa,oo 12โkii bisha safar Taariikhi ah oo ujeedkiisu ahaa xoojinta midnimada iyo nabadda ku gaaray Laascaanood ayaa dhagax dhigay Mashaariic badan oo hormarineed, isaga oo qaar kalena daah-furay, waxaana uu maamulka iyo bulshada degaanka ku bogaadiyey sida ay ugu heelan yihiin ilaalinta midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed
Safarkii Nabadda iyo Midnimada ee Raโiisul Wasaaraha ayaa ku soo gebagaboobay si guul ah.
โDHAMMAADโ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/