๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ โ๐๐ข๐ซ๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ฌ๐๐๐๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฒ๐ข๐๐ค๐ ๐๐ก ๐ฐ๐๐ ๐ฆ๐ข๐ ๐ค๐๐ฆ๐ข๐ ๐๐ก ๐ช๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐ฌ๐๐ง๐๐ ๐๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐๐๐ ๐๐๐ง๐๐๐ซ๐๐งโ
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray Hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ah, ayaa sheegay in siyaasaddani tahay mid xoojinaysa cududdada shaqaalaha Soomaaliyeed.
Mudane Xamsa, ayaa xusay in siyaasaddani ay beddeli doonto nidaamkii hore ee muddo dheer lagu maamulayey shaqaalaha dowladda, isla markaana ay horumarin doonto shaqo-gudashada, caddaaladda iyo kor-u-qaadista kartida Shaqaalaha Rayidka ah.
โMaanta waa maalin muhiim u ah Qaranka iyo Shaqaalaha Dowladda, daahfurka siyaasaddan Qaran waa mid kamid ah qorsheyaashii ugu muhiimsanaa ee la ansixiyay, taas oo ah guul, waxa aan rabnaa in golaha wasiirrada iyo shaqaalaha dowladda dhammaantood si isku mid ah loo dhaariyo, si ay daacad ugu addeeggaan dalkoodaโ. Ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saartay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha,ย siyaasaddanina ay ahmiyad weyn u leedahay dhanka maamul-wanaagga iyo caddaaladda shaqo ee dalkeenna, taas oo qeyb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka, oo dib loogu casriyeynayo heyโadaha dalka, laguna tayeynayo dowladnimada.
Siyaasadan cusub waxay ku saleysan tahay qiimayn buundo-tirsi oo gaaraysa 1,000 dhibcood, iyadoo lagu eegayo afarta tiir ee kala ah: aqoon iyo khibrad, masuuliyad, dadaal (maskax iyo jir), iyo duruufaha shaqada. Waxay dajinaysaa 8 heerย darajo ah (A ilaa G). Nidaamkan wuxuu meesha ka saarayaa eexda, wuxuuna xaqiijinayaa mushaar la jaanqaadaya waxtarka qofka shaqaalaha ah.
โ Dhammaad โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/