๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐ก๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ซ๐๐ง ๐๐ ๐๐๐๐ฅ๐ ๐๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐ ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ซ๐๐ก๐
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka goโan tahay dhiirigelinta waxsoosaarka gudaha oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha dalka iyo in la gaaro iskufilnaansho cunto.
Raโiisul Wasaaraha oo ka hadlayay daahfurka Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha, oo lagu soo bandhigay caqabadaha waaweyn ee ku hor gudban kor u qaadista wax soo saarka dalka, ayaa ugu boorriyay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashadaan beeraha dalka, si looga maarmo wax yaabaha dibadda laga soo dhoofiyo, iyada oo gudaha dalka laga heli karo.
Mudane Xamsa, oo warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah dhallinyaradii hal abuurkooda ku soo bandhigay madasha shirweynaha, ayaa ku dhiirigeliyey dhallinyarada Soomaaliyeed in ay xoogga saaraan barashada cilmiga la xiriira beeraha, si loo helo jiil ku foogan wax soo saarka dalkooda.
โ Dhammaad โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya