๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐๐๐ฅ๐ฅ๐๐ง-๐ช๐๐๐๐๐ฒ ๐ข๐ง ๐๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ ๐ญ๐๐ฅ๐ฅ๐๐๐๐จ ๐ค๐ ๐ช๐๐๐๐ข ๐๐จ๐จ๐ง๐ญ๐จ ๐ฆ๐๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ฅ ๐ฐ๐๐ฅ๐๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐๐-๐ ๐ฎ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐๐ ๐๐๐ฐ๐๐๐ง๐ค๐
Muqdisho, Talaado, 14 Janaayo 2025:โRaโiisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay door muuqda ku leeyihiin Xukuumadda DanQaran, dhawaana ay heli ka heli doonaan xuquuqda ay ku leeyihiin Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo heyโaddaha kala duwan ee dowladda.
Mudane Xamsa, ayaa hoosta ka xarriiqay in uusan xil ka hayn doonin Xukuumadda DanQaran, masuul walba oo ku xadgudba xaquuqda dumarka Soomaaliyeed, isaga oo intaas ku daray in xukuumaddu ay ansixisay sharciyadii lagu ilaalinayey xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.
Raโiisul Wasaaraha, oo xusay kaalinta ay haweenku ku leeyihiin dowlad-dhiska iyo tayeynta heyโaddaha Qaranka, ayaa ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka laga qabanayo, si ay u soo doortaan dumarkooda aqoonta leh ee wax u taraya dalka.
โHaweenku waa laf-dhabarta Qarankeennu ku tiirsanaa waqtiyo adag oo la soo maray, sidaas awgeed, waxaan doonaya in aan u mahadceliyo, kuna dhiirrigeliyo dedaalkooda naf-hurnimada ah iyo shaqada culus ee ay dalkooda u hayaanโ. Ayuu yiri Raโiisul Wasaaruhu.
Raโiisul Wasaaraha, oo ku bogaadiyey haweenka Soomaaliyeed kaalintooda muhiimka ah ee ku aaddan dowlad-dhiska, ayaa ugu baaqay shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay fursad siiyaan haweenka aqoonta leh, si kor loogu qaado shaqo abuurka iyo awoodsiinta dumarka.
โ Dhammaad โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so