๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐: โ๐๐๐ฑ๐๐๐ง ๐๐ก๐ข๐ฌ๐๐ฒ๐ง๐๐ ๐ ๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐ ๐ฌ๐๐ซ๐ ๐๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐๐๐ซ๐๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐ฌ๐ข ๐ฅ๐จ๐จ ๐ญ๐๐ฒ๐๐๐ฒ๐จ ๐ญ๐๐๐ฅ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐ ๐ฌ๐๐ซ๐โ.
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeybgalay munaasabadda qalin-jabinta arday dhammaysay jaamacadda UPeace, ayaa sheegay in Xukuumaddu awoodda saari doonto sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada heerarkeeda kala duwan, isla markaana uu socdo qorshaha dhismaha guddiga sare ee waxbarashada dalka.
โWaxaan ku dhawaaqayaa in 60 arday oo Soomaaliyeed ay si bilaash ah ugu baran doonaan heerka PhD-da Jaamacadda Nabadda Adduunka (UPEACE). Tani waa tallaabo cad oo ka tarjumeysa sida Dowladdu ay uga goโan tahay in ay dhisto hoggaamiyeyaal aqoon sare leh oo mustaqbalka dalka door weyn ka qaata.โ Ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa.
Raiisul Wasaaraha, ayaa sheegay in aqoonta iyo waxbarashadu laf-dhabar u tahay horumarinta Qaranka iyo tayeynta heyโaddaha dowladda, si taas looga miro-dhaliyana loo baahanyahay in kor loo qaado aqoonyahannada dalka, iyada oo xoogga la saarayo sidii dadka waxbartay u hoggaamin lahaayeen bulshada Soomaaliyeed.
Mudane Xamsa, ayaa ugu hambalyeeyay ardayda dhammaysatay waxbarashada daraasaadka sare dadaalka dheer ay ku bixiyeen aqoonta, isaga oo xusay inay lagama maarmaan tahay in ay uga faaโiideeyaan aqoontaas walaalahooda Soomaaliyeed, si loo gaaro horumar, nabad iyo xasilooni bulsho.
Maanta oo kale waxaa dunida laga xusaa maalinta caalamiga ee loo asteeyey Waxbarashada Adduunka, taasoo na xusuusinaysaa in waxbarashadu tahay xuquuq aasaasi ah oo ay tahay in dhammaan dadka dunida ay helaan, gaar ahaan dhallinyarada, si ay u noqdaan kuwo doorkooda ka qaata nabadda, horumarka, iyo midnimada.
โ Dhammaad โ