Muqdisho, December 21, 2022โRaโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta ka guddoomay ballanqaadka qorshe-howleedka sanadka cusub ee 2023, Wasiirka Hawlaha Guud, Dib U Dhiska iyo Guriyeynta, Ismaaiil Cabdiraxmaan Sheekh, Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda Dr Cilmi Maxamuud Nuur iyo Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir.
Raโiisul Wasaare Xamse ayaa ka dhageystay, isla markaana suโaalo muhiim ah ka weydiiyay masuuliyiinta wasaaradaha qorshooyinka hawleed iyo ballanqaadyada waxqabad ee ay soo bandhigeen kuwaas oo la doonayo in la fuliyo sanadka cusub ee 2023, iyada oo lagu saleynayo siyaasadda iyo barnaamijka xukuumadda #DanQaran.
Soo gudbinta qorshe howleedka Wasaaradaha Xukuumadda, oo maraya heer gabagabo ah, ayaa Raโiisul Wasaaruhu waxa uu kula dardaarmay in la xoojiyo wadashaqaynta ka dhaxeysa heyโadaha kala duwan ee dowladda, Isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, si guulo wax ku ool ah looga gaaro arrimaha horqabadka u leh Xukuumadda.
—-DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
Media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia