Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

๐——๐—ผ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐— ๐—ถ๐—ฑ๐—ผ๐˜„๐—ด๐—ฎ ๐—ฌ๐˜‚๐—ฟ๐˜‚๐—ฏ ๐—ผ๐—ผ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ต๐—ณ๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ-๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ผ๐—ฑ ๐—ช๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฒ๐˜†๐—ป ๐—ผ๐—ผ ๐—ท๐—ถ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐˜‚ ๐—ณ๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ถ ๐—ฐ๐˜‚๐˜€๐˜‚๐—ฏ ๐—ผ๐—ผ ๐—บ๐˜‚๐—ด ๐—น๐—ฒ๐—ต

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ, ๐—ง๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ผ ๐Ÿฌ๐Ÿฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—ท๐—ผ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฏ—Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta daahfuray Geeddi-socod Wadashaqayneed oo dhabaha u furaya iskaashi cusub oo dhex mara labada sano ee soo socota.

Geeddisocodkan oo ka dhashay dadaallo heerkoodu sarreeyo iyo wadaxaajood farsamo oo bilihii la soo dhaafay dhex marayey Muqdisho iyo Brussels, ayaa waxaa looga golleeyahay in dhidibada loogu aaso xiriir ku dhisan iskaashi iyo wax-wada-qabsi dhexmara labada dhinac.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey daah-furka ayaa bogaadiyay tallaabadan taariikhiga ah, isaga oo muujiyay ahmiyadda uu ku fadhiyo dadaalkan lagu xoojinayo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

โ€œQorshahan wadashaqaynta ah ee maanta la daahfuray wuxuu jidka u falayaa xiriir cusub, wuxuuna caddeyn u yahay sida ay inooga goโ€™an tahay inaan iskaashigan uga faa’iideysano si waxtar u leh shacabkeenna, islamarkaana la xaqiijiyo in faa’iidadiisu gaarto dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Midowga Yurub waa saaxiib la isku halleyn karo oo aan la leenahay iskaashi dhow, waxaana hubaa in Geeddisocodkan Wadashaqayneed uu horseedi doono horumar ballaaran oo laga gaaro arrimaha muhiimka u ah dowlad dhiska, amniga, nabadgelyada, koboca dhaqaalaha iyo daadajinta adeegyada dowladda”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Mr. Josep Borrell Fontelles oo ah Wakiilka Madaxweyne Ku-Xigeenka Midowga Yurub, ayaa dhankiisa soo dhoweeyay saxiixa Geeddisocodka Wadashaqaynta ee dhexmaray Soomaaliya iyo Midowga Yurub, wuxuuna Dowladda Federaalka ku ammaanay guulaha ay ka gaartey nabaddeynta iyo horumarinta dalka, si shacabka Soomaaliyeed ugu tillaabsado nabad waarta iyo baraaro.

โ€œMidowga Yurub iyo Soomaaliya waxay jaal ahaayeen muddo dheer iyada oo hannaankan loo dhan yahay ee lagu qeexay arrimaha hortabinta u leh labada dhinac uu tusaale u yahay in iskaashigeennu miradhal noqonayo. Midowga Yurub iyo Soomaaliya waxay iska kaashanayaan suurtogelinta nabad waarta, amni iyo horumar iyada oo la raacayo nidaam ku saleysan qawaaniinta caalamiga ah”, ayuu yiri Mr. Fontelles.

Lifaaqa 1

Geeddi-socodka maanta la daahfuray ayaa qeexaya Saddex aag oo ay dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ka wada-shaqeynayaan Labada sano ee soo socota. Waxaana gundhig u ah;

  1. Hirgelinta siyaasad loo dhan yahay iyo hannaan dimuqraadi ah:
  2. a) Hannaanka dowlad-dhiska iyo taabbagelinta degenaansho siyaasadeed
  3. b) Hufista iyo heshiis laga gaaro hannaanka garsoorka dalka
  4. c) Qaybsiga awooddaha iyo khayraadka
  5. d) Hirgelinta hannaanka federaalka iyo doorashooyinka
  6. e) Qabyotirka dastuurka, si waafaqsan muddada dowladdu u qabsatay ee 2024
  7. f) Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah oo ah meesha loogu laabanayo xallinta khilaafaadka.
  8. Sugidda amniga iyo xasillinta dalka, sida:
  9. a) In Soomaaliya ay hanato mas’uuliyadda amnigeeda( bad iyo berri) si waafaqsan xeerarka iyo dastuurka dalka, taas oo suurtagelin karta maalgelin toos ah.
  10. b) Dhammeystirka hannaanka dib-u-dhiska ciidammada qalabka sida, iyada oo loo marayo heshiisyadii dhexmaray Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
  11. c) Xoojinta kaalinta Midowga Yurub ee tayeynta iyo qalabeynta Ciidamada Qalabka Sida.
  12. d) Meelmarinta qaraarka Golaha Ammaanka 2628 (2022) iyo xaqiijinta in xilliga kala guurka ay si habsami leh amniga dalka ula kala wareegayaan Ciidamada ATMIS iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
  13. Horumarinta Dhaqaalaha Bulshada
  14. a) Soo afjarista go’doonka dhaqaale ee Soomaaliya muddada ku jirtey
  15. b) Kordhinta dakhliga gudaha dalka ka soo xarooda
  16. c) Ka caawinta Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada sidii adeegga hufan loo gaarsiin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed
  17. d) Abuurista jawi iyo sharuuc dhiirrigelinaya in maalgashi lagu sameysto dalka
  18. e) Xoojinta xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub
  19. f) Xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, si loo fududeeyo isku-xirka hawlaha ganacsi ee dalka iyo dibedd


–DHAMMAAD—-

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so

Twitter:

@SomaliPM

Facebook:

OPMSomalia

instagram:

opmsomalia