๐——๐—ผ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ถ๐—ฏ ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ฐ๐—ฒ๐—น๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐˜† ๐Ÿญ๐Ÿฑ๐Ÿฌ ๐—ธ๐—ฎ ๐—บ๐—ถ๐—ฑ ๐—ฎ๐—ต ๐—บ๐˜‚๐˜„๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ป๐—ถ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ธ๐˜‚ ๐—ด๐—ผ,๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐˜€๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ผ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ป ๐—ฑ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐˜‚๐˜‚๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ ๐Ÿฏ๐Ÿฌ ๐—”๐—ฝ๐—ฟ๐—ถ๐—น ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฏ—Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama oo ay wehiliyaan xubno ka mid ah guddiga loo xil-saaray samatabixinta muwaadiniinta Soomaliyeed ku xaniban dalka Suudan ayaa Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey muwaadiniin ay Dowladda Soomaaliya dalka dib ugu soo celisay, kuwaas oo ku goโ€™doon sanaa dagaallada ka socona dalka Suudaan.

Muwaadiniinta oo ka kooban 150 qof ayaa 72 ka mid ah laga dajiyey magaalada Garoowe, halka 78 ka mid ahna laga soo dejiyey Muqdisho, iyaga oo safar dheer oo xagga lugta ah ay ku soo galeen dalka Ethopia oo Dowladda Soomaaliya ay ka soo daad gureysay.

Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka oo ku boggaadiyey shaqada ay qabteen guddiga soo celinta muwaadiniinta ku xayirmay dagaalka Suudaan, ayaa sheegay in Xukuumaddu dadaal xoogan galinayso sidii guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran Suudaan ay si nabad ah dalka ugu soo celin doonto.

–DHAMMAAD—-

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so

Twitter:

@SomaliPM

Facebook:

OPMSomalia

instagram:

opmsomalia