๐๐ผ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ช๐ฎ๐๐ถ๐ถ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ ๐ฎ๐ป๐๐ถ๐ ๐ถ๐๐ฒ๐ ๐ฎ๐ด๐ฎ๐ฎ๐๐ถ๐บ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ต๐ฎ๐โ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐ผ๐ฐ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ถ๐ป๐๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ต๐ฎ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐ญ๐ฏ, ๐๐๐๐น๐ถ๐๐ผ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Raโiisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa u magacaabay Agaasimaha Hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyadahaย Mudane, Axmed Saciid Maxamed, kaddib soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha.
Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee magacaabista xubnaha Golaha Maamulka Hay’adda Korontada oo laf-dhabar u noqon doonta kor-joogtaynta farsamo iyo dhaqan-galinta Sharciga Korontada, xubnaha oo ka kooban sagaal qof ayaa lagu soo xushay khibraddooda.
Shirka Golaha Wasiirrada ayaaย lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Hubka Soomaaliya iyo Xeerka Amniga iyo Bedqabka Xurumaha Dowladda, Amniga Hotellada, Goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha adeegyada Bulshada.
Sidoo kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta iyo Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa goluhu ka dhageystay warbixinno muhiim ah oo ku saabsan Amniga, Waxbarashada iyo Hirgalinta Nidaamka Aqoonsiga dadweynaha.
โDHAMMAADโ-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia