๐๐ผ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ช๐ฎ๐๐ถ๐ถ๐ฟ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐๐ผ๐ผ ๐ฏ๐ฎ๐ป๐ฑ๐ต๐ถ๐ด๐ฎ๐ ๐ถ๐ป ๐ณ๐ฌ% ๐ต๐ผ๐ผ๐ ๐น๐ผ๐ผ ๐ฑ๐ต๐ถ๐ด๐ฎ๐ ๐๐ฒ๐ฒ๐ฟ๐ฎ๐ฟ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ถ๐ถ ๐ฎ๐ ๐๐ต๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ท๐๐ ๐ธ๐ฎ ๐ด๐ฒ๐๐๐ฎ๐ป ๐ท๐ถ๐ฟ๐ฒ๐ฒ๐ป ๐ฑ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ท๐ผ ๐ฌ๐ฐ, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโShirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Raโiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu ansixiyey heshiiska Adeegga Duulista iyo Hawada ee Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo lagu lafa-guray guulaha ay ciidamadu ka gaareen xasillinta Caasimadda iyo xoreynta dalka.
Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyey guulaha ay ciidamadu ka gaareen xorreynta dalka oo suurta-gelisay in 70% hoos loo dhigay weeraradii ay argagixisaduka geysan jireen dalka, waxaana lagu guuleystay xasillinta caasimadda oo sababtay in si nabad ah ay shacabka Soomaaliyeed u cibaadeystaan bishii soon.
Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey heshiiska Iskaashiย ee Adeegga Duulista iyo Hawada ee Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo dib u cusbooneysiin ay ku sameeyeen labada dal.
Golaha ayaa warbixin ka dhagaystay Guddiga Wasiirrada ah ee loo xil saaray soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayirmay dagaalka Suudaan, iyada oo lagu guuleystay in 1198 qof oo u badan arday wax ka baranaysay Suudaan lagu soo celiyo dalka, welina ay soconayaan howlaha daadgureynta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Golaha ayaa soo dhaweeyey tallaabada hoos loogu dhigay qiimaha lacageed ee sannadkan ay ku tagi doonaan Xajka muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ka yar qiimihii sannadkii hore, taas oo ku timid tartan daah-furan oo ay galeen shirkadaha doonaya adeegga xujeyda.
–DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia