𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗼𝗼 𝗺𝗲𝗲𝗹-𝗺𝗮𝗿𝗶𝘆𝗲𝘆 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗸𝗮𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗛𝘂𝗳𝗻𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮 𝗠𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗠𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗗𝗮𝗹𝗸𝗮

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝘂 𝟭1, 𝗠𝗮𝗮𝗷𝗼, 𝟮𝟬𝟮𝟯— Golaha Wasiirrada ayaa meel-mariyey Qaraarka Adkaynta Hufnaanta Maaraynta Maaliyadda Dalka oo ka kooban 8 qodob oo saldhiggiisu yahay Maaraynta Maaliyadda Guud ee Dalka, Maaraynta Dakhliga Dalka, Iibka iyo Qandaraaska Qaranka, Maareynta Hantida Guud ee Qaranka iyo Maamulka iyo Maaraynta Shaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo guddoominayey Shirka Golaha Wasiirrada ayaa tilmaamay in qaraarkani uu yahay mid muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha, la-dagaallanka Musuq-maasuqa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud.

Shirka ayaa lagu meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda iyo Siyaasadda Howlgabka Shaqaalaha Rayidka.

Sharcigani oo ah mid ilaalinaya xuquuqda Shaqaalaha Dowladda ee howl-gabka noqda iyo kuwa ay waxyeelladu soo gaarto iyaga oo gudnaya waajibaadka qaranka ayaa waxaa soo gudbiyey Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Sidoo kale, Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey Heshiis Is-afgarad dhinacyada Caafimaadka iyo Shaqo Abuurka  oo u dhexeeya Soomaaliya  iyo Qatar iyo Siyaasadda Qaran ee dhallinyarada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

–DHAMMAAD—-

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so

Twitter:

@SomaliPM

Facebook:

OPMSomalia

Flickr

https://www.flickr.com/people/opmsomalia/

instagram:

opmsomalia