𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗮𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗝𝗮𝗺𝗵𝘂𝘂𝗿𝗶𝘆𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗳𝘂𝗿𝗮𝘆 𝗛𝗮𝗻𝗻𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗝𝗶𝗵𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗼𝘄𝗹𝗮𝗱𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗖𝗮𝘀𝗿𝗶𝗴𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲  𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮.

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝘂 𝟭𝟲,𝗢𝗰𝘁𝗼𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟯—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaaa maanta furay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee  Soomaaliya.

Aqoon is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya oo soconaya muddo labo maalmood ah, ayaa waxaa ka qeyb galaya dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada, khubaro caalami ah iyo Madax aqoon durugsan u leh horumarinta iyo casriyeynta dowladaha.

#CasriyeyntaDowladnimada

#DanQaran

#DaahfurnaanIyoDowladWanaag

#DadIyoDowladIskuDanAh