𝗥𝗔’𝗜𝗜𝗦𝗨𝗟 𝗪𝗔𝗦𝗔𝗔𝗥𝗘 𝗞𝗨-𝗫𝗜𝗚𝗘𝗘𝗡𝗞𝗔 𝗫𝗙𝗦 𝗢𝗢 𝗙𝗨𝗥𝗔𝗬 𝗦𝗛𝗜𝗥𝗪𝗘𝗬𝗡𝗔𝗛𝗔 𝗤𝗔𝗥𝗔𝗡 𝗘𝗘 𝗦𝗛𝗔𝗤𝗔𝗔𝗟𝗔𝗛𝗔 𝗖𝗔𝗔𝗙𝗜𝗠𝗔𝗔𝗗𝗞𝗔

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, 𝗝𝘂𝘂𝗻 𝟭𝟯, 𝟮𝟬𝟮𝟯— Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka Soomaaliya oo looga hadlaayo horumarinta xirfadleyaasha Caafimaadka dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay kor u qaadidda tayada xirfadleyaasha caafimaadka dalka iyo sidii loo heli lahaa dhaqaatiir buuxisa baahida caafimaad ee dalkeenna ka jirta.

Shirka oo soconaya muddo labo maalin ah ayaa lagu lagu falanqeyn doonaa sidii loo heli lahaa shaqaale caafimaadka oo adkaysi iyo tayo leh, kuwaas oo muhiim u ah dalka.