𝗥𝗔’𝗜𝗜𝗦𝗨𝗟 𝗪𝗔𝗦𝗔𝗔𝗥𝗘 𝗫𝗔𝗠𝗦𝗔 “𝗫𝗨𝗞𝗨𝗨𝗠𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗗𝗔𝗡𝗤𝗔𝗥𝗔𝗡 𝗪𝗔𝗫𝗔𝗔 𝗞𝗔 𝗚𝗢’𝗔𝗡 𝗜𝗡 𝗔𝗬 𝗞𝗔 𝗛𝗢𝗥𝗧𝗔𝗚𝗧𝗢𝗪𝗔𝗥𝗔𝗥𝗞𝗔 𝗕𝗘𝗘𝗡 𝗔𝗕𝗨𝗨𝗥𝗞𝗔 𝗔𝗛 𝗟𝗔 𝗫𝗜𝗥𝗜𝗜𝗥𝗔 𝗔𝗠𝗡𝗜𝗚𝗔 𝗤𝗔𝗥𝗔𝗡𝗞𝗔 𝗜𝗬𝗢 𝗦𝗨𝗠𝗖𝗔𝗗 𝗗𝗜𝗟𝗞𝗔 𝗕𝗨𝗟𝗦𝗛𝗔𝗗𝗔”

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, 𝗝𝘂𝘂𝗻 𝟬𝟯, 𝟮𝟬𝟮𝟯—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirweynaha Aragti-wadaagga Xakameynta Faafinta Wararka Been abuurka ah iyo Saameynta Taban ee ay Bulshada ku Leeyihiin.

Shirkan oo socon doona muddo Labo maalmood ah, ayaa waxaa si weyn loogu falanqeyn doonaa Saamaynta wararka been-abuurka ay ku yeelan karaan nabadda, xasilloonida, sumcadda dalka, dhaqanka wanaagsan iyo sida loo xakameyn karo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay  in faafinta wararka aan sugneyn ay khatar weyn ku yihiin amniga qaranka, nabadgelyada iyo wadajirka ummadda, gaar ahaan marka ay faafiyaan argagixisada iyo kuwa lamidka ah ay noqon karto hub wax burburiya.

Xukuumadda DanQaran ayuu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in ay  qaadi doonto tallaabooyin sharci ah oo lagula xisaabtamayo kooxaha lagu helo in ay si ula kac ah u faafiyaan wararka been abuur ah, gaar ahaanna kuwa la xiriira amniga qaranka iyo kala qeybinta bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ku booriyay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada in ay si xilkasnimo leh u isticmalaan baraha bulshada, ilaaliyaan anshaxa, halbeegyada saxaafadda iyo hubinta macluumaadka ka hor inta aysan daabicin, dowladduna aysan kaligeed ku guuleysan karin, haddii aan wadajir looga hortagin wararka been abuurka ah.

Shirweynahan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, waxaa inta uu socdo la isku waydaarsan doonaa doodo cilmiyaysan oo ay ka qaybqaadanayaan hawlwadeenno ka kala socda hay’adaha dowladda, warbaahinta dalka, bulshada rayidka ,culimada ah ah iyo khuburo caalami ah oo gacan siinaya.

–DHAMMAAD—-

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so

Twitter:

@SomaliPM

@SomaliGov_Spox

Facebook:

OPMSomalia

Flickr

https://www.flickr.com/people/opmsomalia/

instagram:

opmsomalia