Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

๐—ฅ๐—”’๐—œ๐—œ๐—ฆ๐—จ๐—Ÿ ๐—ช๐—”๐—ฆ๐—”๐—”๐—ฅ๐—˜ ๐—ซ๐—”๐— ๐—ฆ๐—” ๐—ข๐—ข ๐—ค๐—”๐—”๐—•๐—œ๐—Ÿ๐—”๐—ฌ ๐—˜๐—ฅ๐—š๐—”๐—ฌ๐—š๐—” ๐—–๐—จ๐—ฆ๐—จ๐—• ๐—˜๐—˜ ๐—ซ๐—ข๐—š๐—›๐—”๐—ฌ๐—”๐—›๐—” ๐—š๐—จ๐—จ๐—— ๐—˜๐—˜ ๐—ค๐—  ๐—จ ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—š๐—”๐—–๐—”๐—”๐—•๐—”๐—ฌ ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ๐—ฌ๐—”

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ, ๐—๐˜‚๐˜‚๐—ป ๐Ÿฌ๐Ÿณ, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฏโ€”Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga cusub ee Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay u soo magacaabay Soomaaliya, Catriona Laing, waxayna, ka wada hadleen xoojinta wada-shaqeynta iyo taageerada ay hayโ€™adaha QM siiyaan Soomaaliya.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa ayaa Qaramada Midoobay uga mahadceliyey taageerada dhinacyada badan ee ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dadaalka ay geliyaan dhinaca arrimaha biniโ€™aadanimada, isagoo muujiyey sida ay Xukuumadda Dan Qaran uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso QM, iyada oo xoogga la saarayo arrimaha ahmiyadda u leh Xukuumadda si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.

Ergayga cusub ee Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay u soo magacaabay Soomaaliya Catriona Laing, ayaa dhankeeda ka mahadnaqday soo dhaweynta ay kala kulantay dowladda Soomaaliya, waxayna tilmaantay in howlgalkeeda cusub uu sii adkayn doono wada-shaqeynta, taageerada iyo isgarab taagga ay QM siiso Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka.