๐ฅ๐’๐๐๐ฆ๐จ๐ ๐ช๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ ๐ซ๐๐ ๐ฆ๐: “๐ซ๐จ๐๐จ๐จ๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐ก๐ค๐๐ฅ๐๐ก ๐ช๐๐ซ๐๐ฌ ๐๐จ ๐๐จ๐จ๐๐๐ฌ๐ฆ๐๐ง๐๐ฌ ๐ ๐จ๐๐๐ข ๐๐ ๐ฌ๐๐ฅ๐ฆ๐๐ก๐ก๐๐ ๐๐ก๐๐ฌ ๐ฆ๐๐๐ค๐๐๐๐๐ฌ๐ฆ๐ข ๐ฎ๐ฏ ๐๐จ๐ก ๐ ๐จ๐ช๐๐๐๐๐ก”
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐๐๐๐ป ๐ญ๐ณ, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta tababar u furay Macallimiinta cusub ee 3,000 ah ee dhowaan dowladda Soomaaliya ay qaadatay, kuwaasi oo shaqo geli doona bisha Sebtember ee sanadkan.
Munaasabadda oo ka dhacday Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee General Kaahiye, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu kula dardaarmay macallimiinta in ay noqdaan kuwo soo saara arday tayo leh oo waxbarashadiisu sugan tahay, isla markaana ay noqdaan kuwo ka soo dhalaala howsha loo xilsaaray ee ah waxbaridda iyo barbaarinta ubadka Soomaaliyeed.
Mudane Xamsa ayaa sheegay in Waxbarashadu ay qeyb muhiim ah ka qaadato horumarka dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Waxuuna ku booriyay macallimiinta in ay soo saaraan, arday muslim ah oo aan is qarxineyn, Soomaali ah, qabyaalad aqoon, tuug ahayn, aqoon leh, oo caalamkanaย la falgali kara.
Xukuumadda DanQaran ayuu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in iyadoon sannad jirin ay ku guuleysatay shaqaaleysiinta 23-kun oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo isugu jira Ciidan iyo Shaqaale.
“In qarashka dowladda lagu daro macallimiin gaaraysa 3,000 waxay ahayd arrin adag, Xukuumadda DanQaran iyadoon sannad joogin waxay ku guuleysatay shaqaaleysiinta 23 kun oo Soomaali ah, isuguna jira, 20 kun oo ciidan ah oo kala wareegi doona amniga dalka ATMIS dhammaadka 2024 iyo 3kun oo Macallinโ.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa mar kale ku celiyey in la banneeyo goobaha waxbarashada ee ay deggan yihiin shacabka, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, sida ay ahmiyadda u siineyso kor u qaadidda tayada waxbarashada dalka, waxuuna ku adkeeyey in ay sii xoojiyaan dadaalkooda muhiim ah.