๐ฅ๐’๐๐๐ฆ๐จ๐ ๐ช๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ ๐ซ๐๐ ๐ฆ๐ ๐ข๐ข ๐๐ข๐ฅ๐ ๐๐๐ฅ๐๐ฌ ๐ซ๐๐ฅ๐จ๐ก๐ง๐ ๐๐๐๐ซ๐ ๐๐ ๐๐๐ฌ’๐๐๐๐ ๐ฆ๐ข๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ฌ๐ข๐๐๐ก๐ฆ๐๐ฌ๐๐๐๐๐ ๐ฆ๐ข๐ข๐ ๐๐๐๐๐ฌ๐
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ ๐ญ๐ด, ๐๐๐น๐, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeeray Xarunta Hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, halkaas oo uu kulammo kula qaatay maamulka iyo howlwadeennada Hay’adda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay howlaha shaqo ee ka socda Hay’adda, isagoo qiimeynaya miro-dhalka isbeddelka hoggaanka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee lagu dardar gelinayo adeegyada ay u hayso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Agaasimaha Hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, ayaa Raโiisul Wasaaraha uga warbixiyey qorshaha horumarineed ee hayโadda u hirgalay mudadi koobnayd ee uu xilka hayey, isagoo sheegay in ay asteeyeen maamul ka caaggan musuq-maasuq iyo ku-tagrifal awoodeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Agaasimaha cusub looga fadhiyo inuu sii horumariyo hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo qaranka u ah waji, sumcad iyo karaamo, isla markaana ah halka isku xirta Soomaaliya iyo dunida inteeda kale, taas oo lagama maarmaan ka dhigaysa in ay ilaashato sumcadda ay ku matalayso Soomaaliya iyo tartanka ay adduunka kula jirto.
โDHAMMAADโ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia