𝗥𝗔’𝗜𝗜𝗦𝗨𝗟 𝗪𝗔𝗦𝗔𝗔𝗥𝗘 𝗫𝗔𝗠𝗦𝗔 𝗢𝗢 𝗞𝗢𝗥𝗠𝗘𝗘𝗥 𝗞𝗨 𝗧𝗔𝗚𝗘𝗬 𝗞𝗨𝗟𝗜𝗬𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗖𝗜𝗜𝗗𝗔𝗡𝗞𝗔 𝗘𝗘 𝗧𝗨𝗥𝗞𝗜-𝗦𝗢𝗠

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, 𝟬𝟭 𝗔𝘂𝗴𝘂𝘀𝘁, 𝟮𝟬𝟮𝟯— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo kormeerey Kuliyadda Ciidanka ee Turki-Som, ayaa la dardaarmay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada Gorgor oo uu halkaas tababar uga soconayey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in kuliyadda Turki-Som ay soo saartay Saraakiil iyo Ciidan dalka ka sameeyey isbeddel amni, isla markaana soo celiyey kalsoonidii ay shacabka Soomaaliyeed ku qabeen Ciidanka Qalabka-Sida, taas oo horseeday in guulo wax ku ool ah laga gaaro dagaalka cadowga dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la hadlayay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeen ka tirsan Ciidanka Gorgor ee X.D.S, ayaa xusay in ay hubka u sitaan ilaalinta difaaca dalka, diinta iyo dadka, sidaas darteedna laga rabo in ay ka fogaan wax walba oo xumeynaya sumcaddooda.

Guutada Gorgor ee ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in ay yihiin qeyb muhiim ah oo door wanaagsan ka ciyaaray xoreynta qeybo kamid ah gobollada dalka, haddana la filayo in ay ka sifeeyaan Khawaarijta goobaha ay ku dhuumaaleeysanayaan.

Intii uu socday kormeerka Ra’iisul Wasaaraha waxaa ciidanku ay soo bandhigay dhoolatus la xiriira tababarka iyo duruusta ay ku qaataan kuliyadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiya kaalinta ay ka qaadaneyso dhismaha ciidanka Qaranka, gaar ahaan Kulliyadda Turki-Som oo soo saarta saraakiil iyo ciidan wax weyn ku soo kordhiyay difaaca Qaranka.

𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so

Twitter:

@SomaliPM

Facebook:

OPMSomalia

Flickr

https://www.flickr.com/people/opmsomalia/

instagram:

opmsomalia