๐ฅ๐’๐๐๐ฆ๐จ๐ ๐ช๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ ๐ซ๐๐ ๐ฆ๐ ๐ข๐ข ๐๐จ๐๐๐ก ๐๐ ๐ค๐๐๐ง๐๐ฌ ๐ค๐๐๐ฅ ๐๐ ๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ค๐๐ก๐๐ ๐๐ข๐๐ข๐๐๐๐๐ ๐ฆ๐ข๐ข๐ ๐๐ฌ๐ข ๐ฆ๐๐ก๐๐๐ย
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ท๐ผ ๐ฎ๐ต, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan Casho Sharaf ah la qaatay qaar ka mid ah Garaadada oo ka soo kicitamay magaalada Laascaanood ee Gobolkaย Sool.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Garaadada kala hadlay xaaladda magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, waxa uuna muujiyey sida aan loo aqbali karin in ay sii socoto xabadda iyo dhibaatada.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka dhageystay Garaadada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada, isagoo kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaateen nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida.
Garaadada Dhaqanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxa ayna soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhashay dagaalka.
DHAMMAAD