๐ฅ๐โ๐๐๐ฆ๐จ๐ ๐ช๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ ๐ซ๐๐ ๐ฆ๐ ๐ข๐ข ๐ง๐๐๐๐๐๐ฅ ๐จ ๐ฆ๐ข๐ข ๐ซ๐๐ฅ๐๐ฌ ๐ฆ๐๐ฅ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ฌ๐ข ๐ฆ๐๐ฅ๐๐๐๐๐๐ ๐ซ๐๐๐๐๐ก ๐๐ ๐ง๐๐ฅ๐ฆ๐๐ก๐๐๐๐๐๐ก๐๐ ๐ซ.๐.๐ฆ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐ฎ๐ฐ, ๐๐๐ด๐๐๐, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ— Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar ugu soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Kulliyadda Tababarka Ciidamada ee TurkSom.
Raโiisul Wasaaraha oo hadal ka jeediyey munaasabadda ayaa tilmaamay in xiritaanka tababarkani uu ku soo aadey xilli muhiim ah oo uu dalku ku jiro dagaal lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, isla markaana baahi weyn loo qabo ciidan difaaca Qaranka.
โWaxaan idinkula dardaarmayaa in aad si degdeg ah u howl gashaan isuna diyaarisaan in aad dalkiinna iyo dadkiinna ugu adeegtaan si daacad ah, qaybna aad ka noqotaan dadaallada dalka looga cirib tiraayo Khawaarijta.โ ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa.
Mudane Xamsa ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda DanQaran ay ka goโan tahay dib-u-dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareegga sugidda amniga dalka, waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay kaalintooda ka qaataan sugidda amniga iyo ciribtirka Khawaariijta.
Raโiisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey walaalaha Turkiya taageerada ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan tababarrada ay siinayaan ciidanka X.D.S, isagoo u hambalyeeyay ciidamada qalin jebiyey maanta dadaalka ay muujiyeen, una rajeeyay in ay kaalin wax ku ool ah ka geystaan dagaalka socda.
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia