Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

๐—ฅ๐—”โ€™๐—œ๐—œ๐—ฆ๐—จ๐—Ÿ ๐—ช๐—”๐—ฆ๐—”๐—”๐—ฅ๐—˜ ๐—ซ๐—”๐— ๐—ฆ๐—” ๐—ข๐—ข ๐—™๐—”๐—ฅ๐—”๐—ฌ ๐—š๐—ข๐—Ÿ๐—”๐—›๐—” ๐—ช๐—”๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—ฅ๐—ฅ๐—”๐——๐—” ๐—œ๐—ฌ๐—ข ๐—š๐—จ๐—จ๐—— ๐—”๐—›๐—”๐—” ๐—›๐—˜๐—ฌโ€™๐—”๐——๐—”๐—›๐—” ๐——๐—ข๐—ช๐—Ÿ๐—”๐——๐——๐—” ๐—œ๐—ก๐—”๐—ฌ ๐—ž๐—” ๐—ค๐—”๐—ฌ๐—• ๐—ค๐—”๐—”๐—ง๐—”๐—”๐—ก ๐—›๐—”๐—Ÿ๐—š๐—”๐—ก๐—ž๐—” ๐—Ÿ๐—”๐—š๐—จ ๐—–๐—œ๐—ฅ๐—œ๐—•๐—ง๐—œ๐—ฅ๐—”๐—ฌ๐—ข ๐—ž๐—›๐—”๐—ช๐—”๐—”๐—ฅ๐—œ๐—œ๐—๐—ง๐—”

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ ๐Ÿญ๐Ÿณ, ๐—”๐˜‚๐—ด๐˜‚๐˜€๐˜, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฏโ€“-Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayuu ku faray Hayโ€™adaha Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in ay ka qeyb qaataan halganka socda ee dalka looga ciribtirayoย  Khawaarijta ah.

Golaha ayaa warbixin ku saabsan howlgallada socda ka dhageystay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Generaal Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo tilmaamay in uu socdo dagaal looga sifeynaayo Khawaarijta deegaannada ay kaga harsan yihiin Gobollada Dhexe ee dalka.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo shirka ka hadlay ayaa bogaadiyey goโ€™aanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku gaarey in uu dagaalka ka hoggaamiyo jiidaha hore, si dadweynaha iyo Ciidamada Qalabka Sida loogu dhiirrigeliyo halganka dalka lagaga ciribtirayo Khawaarijta.

โ€œWaxaan bogaadinayaa ciidamada Qaran ee geesiyaasha ah oo dalkeenna ka wada Jihaad ka dhan ah Khawaarijta, waxa ay sameynayaan taariikh cusub oo mar labaad looga xoroobayo argagixiso gumeysi ku haya dadkeennaโ€.Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa xusay in dalku uu ku jiro dagaal la rabo qof walba in uu qaato doorka kaga aadden, si la isaga dulqaado culeyska Khawaarijta ee naafeeyey noloshii iyo horumarkii ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale lagu meelmariyey Hindise Sharciyeedka Daโ€™yarta Soomaaliyeed iyo Xeer nidaamiyaha Maareynta Hantida danta guud iyo agabka dowladda.ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย 

โ€”๐——๐—›๐—”๐— ๐— ๐—”๐—”๐—— โ€”

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so

Twitter:

@SomaliPM

Facebook:

OPMSomalia

Flickr

https://www.flickr.com/people/opmsomalia/

instagram:

opmsomalia