๐ฅ๐โ๐๐๐ฆ๐จ๐ ๐ช๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ ๐ซ๐๐ ๐ฆ๐ย “๐๐ก ๐๐๐ก ๐๐๐๐ช๐ ๐ฆ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ก ๐๐ข๐ข๐๐ก๐ขย ๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐ฌ๐๐๐ค๐ฆ๐๐๐๐ ๐ช๐๐ซ๐๐ฌ ๐๐ ๐ง๐๐ฅ๐๐จ๐ ๐๐ฌ๐ฆ๐๐ ๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐ก๐๐๐ ๐๐๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐๐”
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐ญ๐ญ ๐๐๐๐น๐ถ๐๐ผ, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ–Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka hadlayay munaasabad loogu mahad celiyay guddigii ka shaqeynayay toddobaadka Xorriyadda dalkeenna, ayaa sheegay in isbeddelka amni ee Caasimaddu uu horseeday in caawa ay degmada Yaaqshiid ku qabsoonto munaasabaddan.
โin aan caawa saacaddan joognoย degmada Yaaqshiid waxay ka tarjumaysaa isbaddelka amniga caasimadda. Waxaan ku soconnaa jidkii guusha gaar ahaan reer Muqdiisho, waxaa muuqata yididiilo in cabsida Khawaarijta ay ka baxday quluubteenna. Haddaan rabno Khawaarijta in aan ka guuleysano waa in aan qalbigeena ka saarno cabsidooda iyo Jacaylkooda.โAyuu yiri R/Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalkeenna muddo 63 sanno ah waxa halkaas dhigay ay yihiin eex, Musuq iyo Siyaasadda qaloocan, haddana ay dowladdu waddo dadaallo xooggan oo lagu ciribtirayo musuqmaasuqa iyo maamul xumida.
Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaado iyo in xalka siyaasadda lagu raadiyo qori iyo qabyaalad, waxa uuna ku baaqay in la iska kaashado sidii loo dhammeyn lahaa khilaafaadka ka taagan Gedo, Puntland, Hiiraan, Laasacaanood iyo Koonfur-galbeed, iyadoo uu xusay in doorka ugu muhiimsan ee nabadda ay leeyihiin Odeyaasha dhaqanka oo soo samatabixiyey dalkeenna, xilliyadii burburka.
โDHAMMAADโ-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia