๐ฅ๐โ๐๐๐ฆ๐จ๐ ๐ช๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ ๐ซ๐๐ ๐ฆ๐ ๐ข๐ข ๐๐ข๐ฅ๐ ๐๐๐ฅ ๐๐จ ๐ง๐๐๐๐ฌ ๐๐จ๐๐๐ฌ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ก๐๐ ๐๐ ๐ง๐จ๐ฅ๐๐-๐ฆ๐ข๐
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ,ย ๐ฌ๐ญย ๐๐๐ด๐๐๐,ย ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo kormeerey Kuliyadda Ciidanka ee Turki-Som, ayaa la dardaarmay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada Gorgor oo uu halkaas tababar uga soconayey.
Raโiisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in kuliyadda Turki-Som ay soo saartay Saraakiil iyo Ciidan dalka ka sameeyey isbeddel amni, isla markaana soo celiyey kalsoonidii ay shacabka Soomaaliyeed ku qabeen Ciidanka Qalabka-Sida, taas oo horseeday in guulo wax ku ool ah laga gaaro dagaalka cadowga dalka looga xoreynayo Khawaarijta.
Raโiisul Wasaare Xamsa oo la hadlayay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeen ka tirsan Ciidanka Gorgor ee X.D.S, ayaa xusay in ay hubka u sitaan ilaalinta difaaca dalka, diinta iyo dadka, sidaas darteedna laga rabo in ay ka fogaan wax walba oo xumeynaya sumcaddooda.
Guutada Gorgor ee ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayuu tilmaamay Raโiisul Wasaaruhu in ay yihiin qeyb muhiim ah oo door wanaagsan ka ciyaaray xoreynta qeybo kamid ah gobollada dalka, haddana la filayo in ay ka sifeeyaan Khawaarijta goobaha ay ku dhuumaaleeysanayaan.
Intii uu socday kormeerka Raโiisul Wasaaraha waxaa ciidanku ay soo bandhigay dhoolatus la xiriira tababarka iyo duruusta ay ku qaataan kuliyadda.
Raโiisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiya kaalinta ay ka qaadaneyso dhismaha ciidanka Qaranka, gaar ahaan Kulliyadda Turki-Som oo soo saarta saraakiil iyo ciidan wax weyn ku soo kordhiyay difaaca Qaranka.
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ย โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia