๐ฅ๐โ๐๐๐ฆ๐จ๐ ๐ช๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ ๐ซ๐๐ ๐ฆ๐ ๐ข๐ข ๐ ๐๐๐๐ซ๐ช๐๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐๐ก๐ฌ๐ ๐ฅ๐จ๐ง๐ข ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ฌ ๐๐จ๐๐จ๐๐๐ฌ๐ก๐ง๐ ๐๐๐-๐๐จ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ก๐ฌ๐ ๐๐ฌ๐ข ๐๐๐ฅ๐๐๐ง๐๐ฅ๐๐ ๐๐๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐๐๐ง๐
๐๐ฎ๐ฟ ๐ฒ๐ ๐ฆ๐ฎ๐น๐ฎ๐ฎ๐บ, ๐ฎ๐ฒ, ๐๐๐น๐, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Dar es Salaam kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynaha Kenya William Ruto, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo isu socodka labada dal.
Raโiisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa isla gartay ahmiyadda uu leeyahay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaariijta, oo khatar ku ah guud ahaan amniga gobolka iyo dib u furista xuduudaha oo muhiim u ah isku socodka iyo ganacsiga labada dal.
Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa kala hadlay Madaxweyne Ruto fududeynta Dal-ku galka (visa) arrintaasi oo looga ballamay in lagu dhameystiro kulamo loo ballansan yahay labada dhinac.
Iyadoo laga duulaayo tayeynta iyo awood siinta daโyarta iyo kor u qaadida waxbarashada, ayaa Madaxweyne Ruto waxa uu ka aqbalay Raโiisul Wasaaraha in dowladda Kenya ay noo tababarto 1000 macallin oo wax ka dhigi doona heerarka kala duwan ee waxbarashada Soomaaliya.
โ DHAMMAAD โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia