๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ซ๐๐ฆ ๐ผ๐ผ ๐ฑ๐ต๐ฎ๐ด๐ฎ๐ -๐ฑ๐ต๐ถ๐ด๐ฎ๐ ๐ซ๐ฎ๐ฟ๐๐ป๐๐ฎ ๐ฐ๐๐๐๐ฏ ๐ฒ๐ฒ ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐๐ฒ๐ฒ๐ป๐ธ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐ซ๐๐พ๐๐๐พ๐๐น๐๐ป๐๐ฎ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ.
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ,ย ๐ญ๐ฌ,ย ๐๐๐ด๐๐๐,ย ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Xarunta cusub ee ay yeelan doonto Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqal Insaanka oo lagu dhisaayo iskaa-wax-u qabso.
Raโiisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhismaha xarunta maanta la dhigax-dhigay uu ka tarjumayo dadaalka Wasaaraddu ay ugu jirto u adeeggidda bulshada Soomaaliyeed.
Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa xusay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii horumarka iyo dib-u-soo kabashada, isla markaana xilliyada dhow la qorshaynayo in Wasaaradaha oo dhan ay yeeshaan xarumo waaweyn oo casri ah oo dalka iyo dadka loogu adeego.
Xaruntan Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee ay yeelato wasaaradda, maadaama ay haatan la deggan tahay dhismaha wasaaradda warfaafinta. Waxaana Raโiisul Wasaaruhu uu ku bogaadiyey dadaalka ay ku bixiyeen in ay wasaaraddu yeelato xarun dhexe.
ย
ย
ย
ย
ย
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ย โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia