Muqdisho 6 February 2023โRaโiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta furay shir heerkiisu sareeyo oo looga hadlayey Arrimaha baniโaadannimo ee dalka.
Mudane Saalax ayaa uga mahadceliyey hayโadaha caalamiga ah taageerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed, isaga oo intaas ku daray in goobaha u baahan in deg-deg lagu gaarsiiyo gargaar ay ugu horreeyaan deegaannadii dhowaan laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah.
Raโiisul Wasaare ku-xigeenka ayaa xusay in weli ay jiraan dad badan u baahan in gurmad la gaarsiiyo, maadaama ay hantidoodii dhaafiyeen abaaraha iyo cunaqabateynta ay khawaarijtu saartay.
Shirkan oo ay fududeysay hay’adda Maareynta Maareeynta Masiibooyinka SODMA ayaa waxaa ka qayb-galay Wasiirrada Gargaarka ee Dowlad Gobolleedyada dalka, xubno ka socday Qaramada Midoobay, Deeq bixiyaasha, Safiirro iyo masโuuliyiin ka socday heyโadaha caalamiga ah.














—DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia