Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ž๐˜‚-๐—ซ๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ฎ โ€œ๐—ซ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ ๐—ธ๐—ฎ๐˜€๐˜๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐˜‚๐—บ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ต๐—ผ ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐˜‚ ๐˜…๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ป ๐˜๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ธ๐—ต๐—ฟ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—พ๐—ผ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ผ๐—ผ๐—ฑ๐—ฎโ€.

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ, ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—ท๐—ผ ๐Ÿฎ๐Ÿฐ, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฏโ€”-Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka ahna Ku-simaha Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa si rasmi ah u furay Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho.

Bandhiggan oo ah midkii 7-aad ayaa waxaa kasoo qayb galay aqoonyahanno, macallimiin, arday, qorayaal iyo akhristayaal ka kala yimid guud ahaan dalalka caalamka iyo gobollada dalka.

Ku-simaha Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sheegay muhiimadda akhriska iyo qoraalku u leeyihiin dalalka soo koraya, isaga oo sheegay in jidka kaliya ee horumar lagu gaari karo uu yahay aqoonta iyo akhriska.

Mudane Saalax ayaa tilmaamay in Xukuumadda #DanQaran ay ahmiyad gaar ah siinayso dhiirri-gelinta akhriska iyo qoraalka, waxuuna si wayn ugu mahad celiyay masuuliyiinta iyo qaban-qaabiyayaasha bandhiggan buugaagta ee Muqdisho.

โ€“DHAMMAADโ€”-

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so

Twitter:

@SomaliPM

@SomaliGov_Spox

Facebook:

OPMSomalia

Flickr

https://www.flickr.com/people/opmsomalia/

instagram:

opmsomalia