Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ž๐˜‚ ๐—ซ๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ฟ ๐—ด๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐˜† ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐˜๐—ผ๐—ฑ๐—ผ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ด๐—ผ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ, ๐Ÿฎ๐Ÿฑ, ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—ท๐—ผ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฏ–Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada XFS oo uu guddoominayey Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Raโ€™iisul Wasaaraha Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa looga hadlay warbixinno la xiriira Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyey Gobolka Hiiraan, diyaar garowga imtixaanka qaranka ee dugsiga sare iyo dhaqan-gelinta nidaaminta bajaajka caasimadda ka howlgala.
Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey amniga guud iyo xasillinta dalka, gaar ahaan dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka soconaya qaar kamid ah gobollada dalka.
Golaha ayaa bogaadiyey guulaha ay ciidammadu ka gaareen dagaalka looga sifeynayo dalka kooxaha Khawaarijta iyo hirgelinta qaraarkii Golaha Wasiirrada ee nidaaminta Bajaajta caasimadda oo dhaqan galay maanta oo khamiis ah.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin la xiriirta Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyey Gobolka Hiiraan, taas oo saameyn xoog leh ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada ku nool deegaannada uu wabigu ku fatahay.
Sidoo kale, Golaha ayaa Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ka dhageystay warbixin ku aaddan u diyaar garowga imtixaanka qaran ee dugsiga sare, gaar ahaan fasalka 4aad ee sannad dugsiyeedka 2022-2023.
โ€“DHAMMAADโ€”-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter:
@SomaliPM
@SomaliGov_Spox
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
instagram:
opmsomalia