Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ž๐˜‚ ๐—ซ๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—บ๐—ถ ๐—ฎ๐—ต ๐˜‚ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ต-๐—ณ๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐—ถ๐—บ๐˜๐—ถ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ตa๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฑ๐˜‚๐—ด๐˜€๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐˜‚, ๐Ÿฎ๐Ÿณ, ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—ท๐—ผ, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฏ—Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, kaas oo ka bilawday magaalada Muqdisho iyo Dowlad gobaleedyada dalka.
Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannadkan ayaa waxaa u fariistay arday gaaraysa 33,700, kuwaas oo ku kala galaya 114 xarumood oo ku yaalla gobollada dalka, sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir.
Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa guul u rajeeyey ardayda u fariisanaya imtixaanka shahaaadiga ah, waxuuna ku bogaadiyey wasaaradda iyo macallimiinta dadaalka ay galiyeen ilaalinta imtixaanka dowliga ah.
Xukuumadda #DanQaran oo ahmiyad gaar ah siineyso kor u qaadidda tayada waxbarashada, ayaa dhawaan howlgelisay 3,000 oo macallim, waxaana ardayda Soomaaliyeed laga dhaafay dhaqaalihii ay ka qaadi jirtay hoon-nanbarka imtixaanadka dalka.
โ€“DHAMMAADโ€”-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter:
@SomaliPM
@SomaliGov_Spox
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
instagram:
opmsomalia