๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ ๐ญ๐ฒ, ๐๐๐ด๐๐๐, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ Raโiisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Salah Jama ayaa xarigga ka jaray xarunta cusub ee Hayโadda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA.
Raโiisul Wasaare Ku-Xigeenka oo ka hadlay munaasibadda ayaa ku bogaadiyay Hayโadda Maaraynta Musiibooyinka hawlaha baaxadda leh ee ay qabatay muddada sannadka ah ee ay jirtay iyo sida ay heeganka ugu jiraan inay taakuleeyaan shacabka Soomaaliyeed.
Sannadkii hore bishii Ogoosto ayay Xukuumadda Dan-Qaran dib u hawl-gelisay Hayโadda Maaraynta Musiibooyinka, si looga badbaado abaaro baahsan oo dalka markaas ka jiray iyo macluul laga cabsi qabay.
Raโiisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta iyo hawl-wadeennada Hayโadda inay doorkooda ka qaataan dagaallada lagula jiro Khawaarijta iyagoo xoogga saaraya dhinacyada xasilinta iyo taageerada dadka ku nool deegaannada laga xoreeyey cadowga.
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia