๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ ๐ฎ๐ฎ, ๐๐๐ด๐๐๐, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ— Raโiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey kulanka Agaasimeyaasha Guud iyo Maareyeyaasha Heyโadaha Dowladda oo looga hadlayey dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.
Kulanka ayaa daba-socda goโaankii Golaha Wasiirrada ee la xiriiray in hayโadaha dowladdu ay doorkooda ka qaataan dagaalka dalka looga ciribtirayo argagixisada.
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa faray Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Maareyeyaasha Heyโadaha dowladda in ay ku abaabulaan shaqaalaha si af iyo addinba ay uga qeyb qaataan dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada.
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka oo ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dagaalka lagula jiro cadowga, ayaa xusay in maanta la joogo dhammaadkii Khawaarijta, waddada kaliya ee guushan lagu sii xaqiijin karana ay tahay midnimo iyo wadajir ummadeed.
#OPM
#SifeyntaKhawaarijta
#SooqaboKhawaarijka
#HakaharinHowgalka
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia