๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ ๐ฎ๐ต, ๐๐๐ด๐๐๐, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ— Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay shirka bandhigga qaab-dhismeedka wadashaqeynta iyo isku duwidda deeqaha uu caalamku ku taageero Soomaaliya.
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa xusay in Xukuumadda #DanQaran ay ahmiyad gaar ah siinayso sidii barnaamijyada gargaarka ee lagu taageerayo Soomaaliya loogu beddeli lahaa barnaamijyo horumarineed oo wax ka taraya nolosha shacabka Soomaaliyeed.
Mudane Saalax ayaa tilmaamay in muhiimad gaar ah uu u leeyahay dalka hannaanka wadashaqeyneed ee hagaya deeqaha ay Soomaaliya ka hesho caalamka, si loogu qorsheeyo meelaha ku haboon ee u baahan in wax looga qabto.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay dib-u-habaynta iskaashiga deeqaha Soomaaliya iyo daah-furka xafiiska nidaaminta gargaarka.