๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ ๐ญ๐ญ, ๐ฆ๐ฒ๐ฝ๐๐ฒ๐บ๐ฏ๐ฒ๐ฟ,๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ—– Raโiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta furay shirwaynaha cuntada iyo nafaqada oo uu soo qaban-qaabiyey Xafiiska Raโiisul Wasaaraha.
Kulanka ayaa looga hadlay helidda nidaam cunto caafimaad leh, hagaajinta nidaamyada cunnada iyo tayeyntaย wax-soosaarka dalka.
Raโiisul Wasaare ku Xigeenka oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday baahida loo qabo sugida amniga cuntada dalka, si looga weecdo baahi soo food saarta bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada ay dunida ka jiraan abaaraha daba dheeraada iyo xasaradaha baajiya waxsoosaarka cuntada.
Mudane Saalax ayaa sheegay in Soomaaliya leedahay dhul dihan iyo wabiyo waraabin kara hadii si fiican loo qorsheeyo ka faaโiidaysiga khayraadka dhulka, isagoo intaa ku daray in Xukuumadda #DanQaran ay ka goโan tahay taabogalinta siyaasad furfuran oo dhiirrigelineysa saamileyda wax soo saarka cuntada.
Shirka waxa ka soo qayb galay Wasaaradaha Beeraha, Xannaanada Xoolaha, Caafimaadka, Ganacsatada Saamilayda wax soo-saarka iyo Hayโadaha Caalamiga ee Soomaaliya ka taageera dhinacdyada horumarinta kaabayaasha dhaqaale.