๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ ๐ฎ๐ฌ, ๐ฆ๐ฒ๐ฝ๐๐ฒ๐บ๐ฏ๐ฒ๐ฟ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ—-Ku simaha Raโiisul Wasaaraha ahna Raโiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa galabta qaatay kaarka Aqoonsiga dadweynaha, isaga oo sheegay in hirgelinta kaarka Aqoonsiga uu xal u noqon doono caqabado badan oo bulshadeenna haysta.
Raโiisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa tilmaamay muhiimadda uu kaarkan u yeelan doono bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan duruufaha amni oo ah caqabadda ugu wayn ee hadda dalkeenu la tacaalayo, isagoo intaa ku daray hadda wixii ka danbeeya qof kasta oo muwaadin ah yeelan doono sumad iyo meel xogtiisa loo raaco.
Gabogabadii Raโiisul Wasaare Ku Xigeenka, ayaa ku bogaadiyay hayโada NIRA shaqada waddo isagoo kula dardaarmay inay halkaa ka sii wadaan dadaalka, isla markaana Xukuumadda #DanQaran muhiimad gaara siin doonto sidii loo gaarsiin guud ahaan dalka.