๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ž๐˜‚ ๐—ซ๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐จ๐จ ๐˜…๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—˜๐—ฟ๐—ด๐ž๐˜†๐—ด๐—ฎ ๐ ๐š๐š๐ซ๐ค๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐—ค๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐— ๐—ถ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ฎ๐˜† ๐˜‚ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ.

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ ๐Ÿฎ๐Ÿฏ ๐—ฆ๐—ฒ๐—ฝ๐˜๐—ฒ๐—บ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฟ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฏ—-Ku simaha Raโ€™iisul Wasaaraha Ahna Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

Raโ€™iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobay doorka muhiimka ah ee ay ka qaadato dib-u-dhiska dalka oo ay ugu horreeyaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo bani,aadantinimada.

Mudane Saalax ayaa soo hadal qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in kaalmada QM ay siiso Soomaaliya la gaarsiiyo deegannada laga xoreeyey khawaarijta, kuwaas oo ay hadda xukuumadda #DanQaran ka wado dib-u-dejin iyo dib-u-dhiska, bacdamaa ay muddo dheer ku jireen gacanta kooxda arxanka darran.

Dhankeeda, Ms Laing ayaa sheegtay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay sidii dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaayeen barnaamijyada horutabinta u leh qorshaha xukuumadda #DanQaran, gaar ahaan xasillinta meelaha la xoreeyey.