๐๐ฎ๐๐ฑ๐ต๐ฎ๐ฏ๐ผย ๐ฌ๐ฐ ๐ข๐ฐ๐๐ผ๐ฏ๐ฒ๐ฟ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ- Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka furay magaalada Baydhabo Shirka Madasha isku-duwidda Arrimaha biniโaadanimada.
Shirkan oo ay ka soo qayb galeen xubno ka socdayย dowladda dhexe, dowlad goboleedyada dalka iyo saaxiibbada caalamiga ah, ayaa looga arrinsanayay xaaladda biniโaadanimo ee dalka ka jira iyo sidii loogu diyaar garoobiย lahaa fatahaado iyo duufaanno la sheegay in ay ka dhacaan meelo kamid ah dalka.